
This is the official @X handle for the Ministry of Information, Culture and National Guidance of the Republic of Somaliland.
Hargeisa, Somaliland
Joined July 2019
- Tweets709
- Following20
- Followers17.5K
- Likes142
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa ku booqday Mujaahid, qoraa Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo xaalad caafimaad u jiifa.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL oo kulan la yeelatay Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.
The Government of the Republic of #Somaliland strongly condemns the provocative visit undertaken by the Prime Minister of Somalia to parts of the eastern Sool Region.
Wasaaradda #warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, Ururka saxaafadda ee #SOLJA iyo warbaahinta madaxa bannaan ee dalka ayaa kulan saddex-geesood ah ku yeeshay xarunta wasaaradda warfaafinta.
Wasiirka Warfaafinta, waxa uu shacabka Somaliland iyo bulshada caalamkaba u caddaynayaa in wararka rasmiga ah ee ku saabsan Madaxweynaha iyo socdaalladiisa shaqo si rasmi ah looga helo oo keliya Warbaahinta Qaranka iyo Boggaga rasmiga ah ee Madaxtooyada.
"Xasan Sheekh oo muddo xileedkiisii dhammaaday, oo xumaan u joog ahi waxa uu noo sheegay go'aammada dhagaraysan ee uu rabo in uu ku xalaashado dhiigga shacabka Somaliland"
Barkhad Jaamac Batuun
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, ahna afhayeenka xukuumadda.
"Xukuumad ahaan waxa aannu jecelnahay in aanu si guud iyo si gaar ahba ugu mahadnaqno shacabka JSL"
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐒𝐋 - 𝐁𝐚𝐫𝐤𝐡𝐚𝐝 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐁𝐚𝐮𝐮𝐧.
D𝒂𝒂𝒉-𝒇𝒖𝒓𝒌𝒂 𝑿𝒂𝒇𝒍𝒂𝒅𝒅𝒂 𝒌𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒈𝒆𝒚𝒔𝒊𝒈𝒂 𝒎𝒐𝒃𝒊𝒍𝒌𝒂 𝒈𝒂𝒄𝒂𝒏𝒕𝒂 𝒆𝒆 𝑰𝒅𝒂𝒂𝒄𝒂𝒅𝒂 @Radio_Hargeisa.
#Sawirro: xubno ka tirsan guddida heer qaran ee qabanqaabada xuska munaasibadda 18 ka May oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddidaas ahna wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga iyo masuuliyiinta sare ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan kula qaatay xarunta wasaaradda warfaafinta, warbaahinta maxalliga ah ee dalka.
Kulanka oo ay ka qayb galeen, wasiirka wasaaradda warfaafinta, Wasiir-ku-xigeennada wasaaradda, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo masuuliyiin kale ayaa lagaga wada hadlay adkaynta nabadgelyada iyo in la xoojiyo ilaalinta sumcadda qaranka gaar ahaan xilliga lagu jiro tebinta xuska munaasibadda qaran ee 18 ka May.
Wasiirrada wasaaradaha warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo arrimaha gudaha iyo amiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo Cabdalle Maxamed Carab, ayaa erayo dardaaran iyo hoga tusaalayn ah u jeediyay warbaahinta kala duwan ee kulanka a qayb gashay.
Qoraa Mujaahid, Wasiir hore 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐃𝐮𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞 “𝐁𝐨𝐨𝐛𝐞” waxa uu ahaa Xoghayihii Warfaafinta ee 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐁𝐮𝐫𝐜𝐨 𝟏𝟖-𝐤𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐲 𝟏𝟗𝟗𝟏 lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada Qarannimada Somaliland, sidoo kale waxa uu kamid ahaa Guddida qabanqaabada Shirkaasi.
Xilligaas waxa uu ahaa Madaxa Qoraallada iyo Diiwaangelinta khudbadihii iyo hadalladii ay jeedinayeen madaxda iyo haldoorkii madasha ka hadlayay.
Muddo dheer ayuu suugaan, qoraal, qalin iyo aqoonba kaga qeyb qaatay dhismaha, difaaca iyo kobcinta Qarannimada Somaliland.
Wasaaradda Warfaafintu waxa ay si joogto ah oo maalinle ah idiinla wadaagaysaa sawirradii Shirkii 18-ka May 1991 ee magaalada Burco, si aad u ogaataan taariikhda iyo haldoorkii dhidibada u taagay Qarannimada Somaliland la soco sawirrada iyo sooyaalkoodaba.
Xuquuda sawirradani waxa ay u dhawrsoonyihiin Wasaaradda Warfaafinta.
Sawirradan waxa qaaday Suxufi Sare
Xasan Shugri
#Sawirro: Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh C/risaaq sheekh C/laahi sheekh Cabdi
Kulankan oo u jeedadiisu ahayd kor u qaadida iyo wax ka badalka Idaacada Qur’aanka kariimka.
Wasiirka ayaa talo ka waydiiyay sidii wax ka badal loogu samayn lahaa qaariyada kala diwan ee ka baxa idaacada qur’aanka isaga oo dhiirigalinaya kuna dedaalaya sidii dalkeena looga heli lahaa qaariyo ka soo baxa .
Sheekh Cabdirisaaq ayaa ka talo bixiyay qaabkii loo soo kala xulilahaa qaariyada,
Kulankan ayaa waxa ku wehelinayay Agaasimaha guud iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada iyo madaxa idaacada qur’aanka.
"Hal-kudhigga sannadkan 18 May waa Aqoonsi iyo Adkaysi"
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL - Barkhad Jaamac Batuun
The Minister of Information of the Republic of #Somaliland, Mr. Barkhad Jama Batun, accompanied by the Deputy Minister and the Director General, held a consultative meeting with Somaliland’s media associations, including #SOLJA, WIJA, and FIMA.
somalilandnewsagency.com/blo…
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda la aqoonsaday ee Somaliland oo magacaabay guddida qabanqaabada xuska 18 ka May ee Wasaaradda Warfaafinta.
#Sawiro: Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta oo ay weheliyaan wasiir-ku-xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa kulan is-barasho ah la qaatay ururrada warbaahinta Somaliland ee kala ah SOLJA, WIJA iyo FIMA.
Kulankan oo daarranaa dardargelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo ururrada warbaahinta.
Intii kulanku socday waxa laga wada hadlay in laga wada shaqeeyo ansixinta xeerka saxaafadda ee hor yaalla Golaha Wakiillada JSL, waxa kale oo laga hadlay in laga wada shaqeeyo qabanqaabada munaasibadda 18 ka May ee innagu soo fool leh.
Ugu danbayntii waxa la isla qaatay in laga wada shaqeeyo difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo arrimaha aqoonsiga.
#Sawiro: Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Komishanka maamul wanaagga ayaa si wadajir ah u qabtay munaasibad lagu shaacinayo barnaamijyo wacyigelineed oo ay wasaaradda iyo komishanku ka wada shaqayn doonaan.
Kulanka waxa ka qayb galay, Wasiir-ku-xigeennada wasaaradda warfaafinta, guddoomiyaha Komishanka maamul wanaagga, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, agaasimaha guud ee Komishanka maamul wanaagga iyo agaasime-waaxeedyo ka kala socda labada hay'adood.
Waxaana kulankaa la iskula qaatay in si joogto ah looga wada shaqeeyo barnaamijyada iyo farriimaha wacyigelinta ah ee ay bulshada ugu xil saaran yihiin Komishanka maamul wanaagga iyo wasaaradda warfaafintu.
Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay shacabka Somaliland, gudo iyo dibadba, la wadaagaysaa inay ka qayb-qaataan xulista hal-ku-dhegga sanadka ee munaasibadda xuska 18ka May.
Wasaaraddu, waxa ay muwaadiniinta ku adkaynaysaa in hal-ku-dhegga loo baahanyahay uu noqdo mid kooban oo mideeya bulshada, kana tarjumaya ictiraafka ay heshay Somaliland, taas oo xoojinaysa rajada iyo himillada qaranka.
Muwaadiniinta, waxa lagu boorinayaa in ay fikradahooda iyo aragtiyahooda ku soo gudbiyaan faallooyinka, si ay uga qayb qaataan hal-ku-dhegga rasmiga ah ee munaasibadda xuska 18ka May, 2026.









































